Wararka naga soo gaaraya degaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka Yasooman ku leeyihiin ciidanka is garabsanaya.
Dadka degaanka qaarkood ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo leysku adegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, balse aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay maadaama uu weli socdo.



