Dowladda oo sheegtay in Saadaq Joon uu yahay Shaqsi dagaal kujira

Waxaa soo shaac baxay sawirro laga soo qaaday jiidaha Galmudug ee ay ciidamada dowladda kula dagaallamayaan xooggaga Al-Shabaab, kuwaas oo muujinaya in taliyihii booliska ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) uu qeyb ka yahay ciidanka dowladda.

Taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya, Jeneraal Maxamad Tahliil Biixi, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Saadaq John uu ka mid yahay ciidanka hadda ka dagaallamaya aagga Bacaadweyn.

“Saadaq John saraakiisha aan hoggaaminayo ayuu kamid yahay, saddex madax oo aan u qeybinay ayuu qeyb joogaa [hogaaminayaa], saraakiishaas ayuuna kamid yahay. Ciidanka Federaalka kama tirsano, balse waa shakhsi dagaalka ku jira.” ayuu yiri taliye Biixi.

Saadaq John ayaa 12-kii bishii April ee sanadkan laga qaaday xilka taliyaha booliska ee gobolka Banaadir, kadib markii uu sheegay inuu joojiyay kulan uu Golaha Shacabka ee Barlamaanka uga doodi lahaa arrimaha doorashada. Waxaa laga xayuubiyay darajadiisa ciidan.