Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay Shaacisay tiradda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla Gudaha Soomaaliya,kuwaasoo u diwaangashan dowladda Soomaaliya.
Cabdi Siciid Muuse Cali La taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Ciidamada u diiwaangashan Dowladda Soomaaliya ay gaarayaan 9,000 oo Askari.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya Mudadii ay joogtay ay horumar wanaagsan ka sameysay Dhismaha Ciidanka xoogga dalka, islamarkaana ay wali socdaan dadaallada lagu dhisaayo Ciidanka xoogga.
Lataliyaha ayaa waxaa uu xusay in Sagaalka Kun ay leeyihiin Koontooyin Banki, islamarkaana ay si joogto ah u qaataan Mushaarkooda.
Hadalka la taliyaha ayaa yimid ka dib Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay sanadkii la soo dhaafay AMISOM ku amreen in ay dhimaan ciidamada ka jooga Soomaaliya, amnigana ku wareejiyaan Ciidanka xoogga dalka.