Ammaanka Magaalada Garowe oo si weyn loo Adkeeyay

Ammaanka Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Ciidanka Xasilinta gobolka Nugaal ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Ku dhawaad 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland ayaa ku sugan Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Musharaxiinta qaarkood ayaa Magaalada lasoo galay hub farabadan, waxaana hubkaasi ay ugu tala galeen in ay ku ilaaliyaan Ammaankooda,taasoo laamaha Ammaanka ay sheegeen in ay abuurtay Qalqal Amni.

Ciidanka Booliska ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka, waxaana dhammaan Xaafaddaha Magaalada lagu daadiyay Ciidamo dheeraad ah.

8 Bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha maamulka Puntland.