Dowladda oo shaacisay magacyada iyo sawirrada dadkii loo qabtay Qaraxii Zoobe

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay muddo bil ah kadib shaacisay magacyada iyo shakhsiyaadka loo qabtay Qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaahinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay Qaraxii Zoobe in loo hayo ilaa Shan nin oo la rumeysan yahay in ay ku lug leeyihiin falkaasi, kadib baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyeen Hay’adaha ammaanka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay magacyada iyo Sawirada Dowladdu ay soo bandhigtay inuu ku jiro shaqsigii isku Qarxiyay isgoyska Zoobe ee kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa.

Dadka Qaraxii Zoobe loo qabtay ayaa waxa ay kala yihiin:-

1.Mukhtaar Maxamuud Xasan Gardhuub,

2.C/wali Axmed Diiriye (C/qani) oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobolka Banaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado.

3.Xasan Aadan Isaaq oo ahaa Darawalkii Gaariga NOAH-da, ahaana isku xirihii weerarkii Zoobe, inta uusan wareejin NOAH-da ayaa la qabtay.

4.Cali Yuusuf Waceys (Ducaale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyay inuu NOAH-da isku Qarxiyo.

5.C/laahi Cabdi Warsame, iyada oo ugu dambeyn Darawalkii ka xeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee Zoobe ku Qarxay lagu magacaabi jiray Maadey (Cusmaan Xaaji).

Qaraxii Zoobe oo ahaa mid weli aanan horey uga dhicin Soomaaliya ayaa dilay dad ka badan 300 oo qof, kuwaasi oo u badnaa Haween, Caruur, iyo Ciroole, qaarkood weli waa lagu la yahay raqdooda.

Waxaa qoray : Ali Omar Abdi