Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka digay fatahaado uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara qaar ka mid ah gobolada dalka.
Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in hada laga cabsi qabo in Wabiga uu ku fataho 20 tuulo oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, hadii aan wax laga qaban.
“Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya waxay walaac ka muujineysaa, xaalada Wabiga Shabeelle, oo nolosha ummaddda Soomaaliyeed ay ku xiran tahay, qeyb weyna ku leh kobaca dhaqaalaha.” Ayuu yiri Wasiir Ciid.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Beeraha ugu baaqay in ay caawiyaan Beeraleyda.
Wabiga ayaa dhowaan fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo khasaare u geystay Beeraleyda ku nool hareeraha Wabiga.


