Dowladda oo Garoon diyaaradeed oo kale ka dhiseysa Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka bilaawdey sahankii ugu horeeyey kaas oo ku saabsan in Garoon Diyaaradeed oo cabirkiisu yahay 14KM laga hirgeliyo meel kamid ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Xildhibaano, Agaasimayaal iyo Ganacsato ayaa waxaa ay kormeer ku tageen halka laga hirgelin doono Garoonka oo ah duleedka Waqooyi Bari ee Magaalada Muqdisho.

Garoonkaan ayaa waxaa laga dhigi doonaan mid ku habboon istiraatiijiyad ahaan,waxaana mashruuca lagu dhisayo uu noqon doonaa kii ugu ballaarnaa ee laga fuliyo Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 1991-dii.

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla garoonka Diyaaradaha Aadan-Cdde,kaas oo kamid ah meelaha ugu wyen ee dowladda Soomaaliya ay ka hesho Canshuur farabadan,waxaana gacanta ku haaya Shirkadda Favori e laga leeyahay wadanka Turkiga