Maxamad Cabdillahi Salaad Oomaar Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay Sababta Xayiraada loo saaray Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Kismaayo.
Waxaa uu sheegay in amarka diyaaradaha ay u soo saareen amniga qaranka dartiis, isagoo intaa ku daray in markii la hubiyo in diyaaradaha tagaya halkaasi aanay khatar ku ahayn amniga wadanka go’aankaasi dib loola laaban doono.
Wuxuu wasiirku si cad u sheegay markii uu la hadlay BBC in xukuumadda dhexe aysan ku kalsoonaan karin maamulka hadda gacanta ku haya Kismaayo.
“Waa iska caadi in diyaaradaha dibadda ka yimid ee tagaya gobollada dalka ay soo maraan magaalada caasimadda ah, tanna waxaa keentay kaliya inaan qaadanno mas’uuliyaddii ahayd maamulka xuduudaha iyo hawada Soomaaliya waxa soo galaya iyo waxa ka baxayaba, maadaama aysan jirin dowlad la aqoonsan yahay oo mas’uuliyaddeedi aan ku halleyno, waxaan Xamar ku qabannaa waajibkii na saarnaa oo kaliya”. ayuu yiri Wasiir Omaar.
Go’aankan ayaa caqabad weyn ku noqday dadweynihii deegaannada kale ee Jubbaland ka safrayay ee adeegyada caafimaad u tagi jiray magaalada Kismaayo, kuwaasoo hadda ku khasban inay kharash badan ku bixiyaan socdaalka ay diyaaradaha Kismaayo u socda marka hore ugu sii hakanayaan magaalada Muqdisho.



