Dowladda Mareykanka oo War kasoo saartay Xaaladda Suudaan

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay Xaaladda Cakiran ee ka taagan dalka Suudaan, waxaana dowladda Mareykanka ay ku baaqday in Awooda lagu soo celiyo gacanta Shacabka.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu xusay in ay taageerayso in Suudaan ay gasho xilli kala guur ah oo shacabku uu majaraha u hayo, waxayna intaas ku dartay in ay waajib tahay in ay arrintaasi ka soo hormarto labada sano ee milatarigu qabtay.

“Dadka Suudaan waa in ay go’aamiyaan cidda hoggaaminaysa, dadkuna waxay dalbanayaan xukuumad shacabka laga soo dhex xulay, waana in arrintaas loo sameeyaa inta ka horraysa labada sano ee milatarigu qabsaday”. Ayuu yiri Robert Palladino oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka.

Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay in uu hakiyay waxa loogu yeero “wajiga labaad” ee shirkii ay la gali lahaayeen dawladda Suudaan, balse ay sii wadi doonaa xiriirada kale “ee sida macnaha leh horumarka looga samayn karo masaaliixda labo geesoodka ah”.