Dowladda Kenya oo ka hadashay dib u doorashadii Madaxweynaha Jubaland

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Kenya aya marka hore waxaa loogu hambalyeeyay dib u doorashadii Madaxweynaha Maamulka jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam, kaas oo doorashadiisa ay shalay ka dhacday Magalada Kismaayo.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka loogu baaqayo inay la Shaqeyso dowlad Goboleedka Jubaland,isla markaana wixii ka dhex-jira ee khilaaf ahna wadahadal lagu wada xaliyo laguna dhameeyo.

Warkaan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa kusoo aadaya xilli Warbaahinta dalkaasi qaarkood ay horay u qorayeen in dowladda Kenya ay taageereyso in dib loo doorto Axmed Madoobe, iyada oo sidoo kale doorashadii shalay ee Magalada Kismaayo ay dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inaysan aqoonsaneyn.