Doorashada xubnaha Aqalka Sare oo Jowhar ka bilaabatay

Doorashada xubnaha u taagan Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamaya 20 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood.

Doorashada ayaa laga rabaa inay ku soo baxaan 8 xubnood oo Dowlad goboleedka Hirshabeelle u matala aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.