Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa maanta si rasmi ah ugu bilaabatay Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland , goobta ay ka socota doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ah madax ka tirsan maamulka Puntland iyo sidoo kale Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland iyo xubno ka socda beesha Caalamka.
Shalay Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay tababar ku saabsan sida ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose ee deegaanada maamulka Puntland u matalaya dowladda Soomaaliya ay wax u dooran la haayeen sidoo kale shuruudaha laga rabo in ay ilaaliyaan ergooyinka wax dooranaya.
Madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland halkaasi oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka maamulka puntland ayaa Risaala u sheegay in doorashada xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilaabatay Magaalada Garoowe.


