Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo bilaabatey

Goordhow waxaa Magaalada dhuusamareeb ka bilaabatey doorashada Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug oo ay ku tartamayaan ilaa Shan musharax.

Musarixiinta doorashadaas ku tartamaya ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne kuigeenkii hore ee Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey),waxaana musharixiinta ay kala yihiin.

1: Cali Daahir Ciid

2: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)

3: Saadaq Cabdullaahi Xaashi

4: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

5:Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

Goordhow waxaa sidoo kale soo geba-gabowdey doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay ku tartameen ilaa shan musharax,hayeeshee Madaxweynaha Galmudug loo doortey Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Toos Dh/mareeb:- Doorashada Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Galmudug.

Posted by Risaala Media Corporation on Saturday, 1 February 2020