Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah waxaa ay ka dhacaysaa Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Doorashadan oo si weyn isha loogu hayo waxaa xilka Madaxweynaha Waqooyi Bari u tartamaya shan musharrax oo ay kamid yihiin; Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), Jamaal Maxamed Xasan, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Rashiid Faarax Maxamuud iyo Maxamuud Yuusuf Xasan.
Sidoo kale, waxaa doorashada xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Waqooyi Bari u tartamaya ilaa Shan Musharrax oo kala ah; Cumar Daahir Xasan, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, Cabdisataar SH. Cismaan Cumar iyo Maxamed Cabdi Bullaale.
Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa xalay si xooggan u sameeyay ololahooda doorashada.
Wararka ayaa sheegaya in musharixiinta ay xalay bixiyeen lacago si ay u helaan codadka xildhibaanada.



