
Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Kursiga Koowaad ee doorashadii Maanta ee Hop#253, kaas oo ay horay ugu fadhisay Samra Ibraahim Cumar ayaa waxaa ku guuleystay Aadan Maxamed Cali oo helay codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabduqaadir Ibraahim Buule uu helay 21-cod, waxaana halaabay 1 Cod.
Kursiga labaad ee Hop#178 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Maxamed Cali , isagoo heley codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayey ee Bile Xasan Cabdi uu helay 25-cod laba cod ayaana halaabay, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe.
Kursiga Saddexaad ee Hop#050 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Ganacsiga Koonfur Galbeed Axmed Sheekh Maxamed (Mashruuc) kaas oo helay codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la tartamayey ee Maxamed Ibraahim Aadan uu helay 14-cod 3 cod ayaana halaabay.
Kursiga Afaraad ee Hop#230 oo uu horay ugu fadhiyay Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI) ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Jaamac Taqal Cabaas, wuxuuna helay codad gaaraya 77-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabdi Cali Cumar u codeeyaay 23-cod.
Kursiga Shanaad ee Hop#183 oo uu horay ugu fadhiyay Sandheere Maxamed Iftin balse meesha laga saaray ayaa Maanta waxaa ku guuleystay Muqtaar Maxamed Guuleed, isaga oo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayey ee Xuseen Cali Aadan uu helay 16-cod hal cod ayaana halaabay.
Kursiga lixaad ee ugu dambeeyay doorashada Maanta ka dhacday baydhabo ee Hop#275 ayaa waxaa ku guuleystay Ismaaciil Iidow Maxamed , isagoo heley codad gaaraya 71-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabdisitaar Xasan Cali uu helay 16-cod, waxaana halaabay Saddex Cod.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu dhawaan soo geba-gabeeyo guud ahaan doorashada Golaha Shacabka ee degaannada Koonfur Galbeed si uu u noqdo Maamulkii ugu horreeyay ee soo geba-gabeeya doorashada ka hor 15 Bishaan Maarso.



