Waxaa Maanta dugsiga tababarka Ciidamada Booliska Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho lagu qabay doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.
Kursiga doorashadiisa ay Maanta ka dhacday muqdisho oo sumadiisu tahay HOP272 ayaa waxaa ku tartamay Saddex Musharrax oo kala ahaa, Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmed Ibraahim & Cabdiqani Maxamed Maxamuud, balse waxaa kursiga ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo helay 65 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay ay kala helleen Khadra Axmed Ibraahim 25 cod & C/qani Maxamed Maxamuud 7 cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Guuleed Ceydaruus Cige.
Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo Maanta doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Muqdisho kana mid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kamid ahaa musharrixiintii guul dareystay ee doorashooyinka Golaha Wakiilada ee ka dhacay Somaliland, isaga oo u sharaxnaa Gobolka Maroodi jeex.
Shalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada Shan kamid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana sidoo kale Maanta Magalada Dhuusamareeb lagu qabanayaadoorashada laba kamid ah kurasta Golaha Shacabka.