Doorashada Hoggaanka Midowga Afrika oo maanta dhacaysa iyo DF oo ka qeyb galaysa.

Midowga Afrika ayaa maanta ilaa Axad qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ururka, ayadoo guddiga fulinta uu doortay xubnaha qabanaya doorashada, kuwaas oo todobaadkii hore ay doorashadoodu ka dhacday magaalada Addis Ababa.

Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.

Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, balse dalalka qaaradda oo dhan ma wada codey doonaan ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.

Dalalka aan codey doonin waa lix dal, waxayna kala yihiin: Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye oo ka socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkan waxaa ugu qeyb galayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay tagay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Kulamo doceeyo la qaadan doono madaxda ka qeyb galayso doorashada hoggaanka Midowga Afrika.