Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo maanta dhaceysa

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta KMG ah ee Aqalka Sare waxaa ka dhaceysa Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, sida horeyba loogu balansanaa.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa saakay lagu wadaa in ay ku xaadiraan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada, maadaama ay codeynayaan.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Mudane Dhega-juun ayaa sheegay maanta in ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Aqalka Sare aadna ay ugu diyaar garoobeen.

Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso Doorashada ayaa aad loo adkeeyay, si aysan u dhicin arbushaad inta ay socoto Doorashada, waxaana halkaasi ku sugan qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

16 Musharax ayaa u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.