Doorashada Aqalka Hoose oo ka socota Muqdisho

Doorashada Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi ayaa dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Doorashada oo maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jirtay ayaa , waxaa hadda ku tartamaya Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye , iyo Axmed Maxamed Cumar.