DHAGEYSO: Kursigii ugu dambeeyay oo Cadaado lagu doortay

Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Doorashada Aqalka Hoose oo mudo ka badan bil ka socotay Magaaladaasi.

Kursigii ugu dambeeyay Doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado waxaa ku soo baxday Sahro Cumar Maalin oo 46 cod kaga guuleysatay Nimco Xasan Cabdulle.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Galmudug Yuusuf Diiriye ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii maanta ka dhacday Magaalada, isagoo sidoo kale sheegay in gabi ahaan la soo gaba gabeeyay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Cadaado.

Sahro Cumar Maalin ayaa waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.