DEG DEG: Shabaab oo la wareegay Degmo ka tirsan Gedo

Gedo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan Dagaalyahano ka tirsan Shabaab in ay la wareegeen Degmada ceel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo, kadib markii ay ka baxeen Ciidankii halkaasi joogay.

Ilo wareedyo ku sugan Degmada Ceel-waaq ayaa Risaala u sheegay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab in ay gudaha u galeen Degmada Ceel-waaq, sidoo kalena ay qabsadeen xarumahii Maamulka Degmadaasi Dagaal la’aan.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen in ay si buuxda ula wareegeen Degmadaasi.

Ilaa iyo hada lama oga sababta Ciidankii joogay Degmadaasi ay u baxeen, waxana arintan weli ka hadlin saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo iyo Maamulka Jubbaland.