Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa Maanta la filayaa inay ku qabtaan doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Shalay oo Sabti ah ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo doorashadaas balse dib loogu dhigay sababo aan la shaacin, waxaana kuraasta la qabanayo doorashadooda Maanta ay kala yihiin.
1: HOP262 oo ay hadda ku fadhido Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ahna Musharrax Madaxweyne
2: HOP229 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale
3: HOP254 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar
4: HOP255 oo uu ku fadhiyi Xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed.
Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa horay u qabtay doorashada 10 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda Magaalada Kismaayo ka dhacdo doorashada xubno kamid ah Golaha Shacabka.
Doorashada Golaha Shacabka ee Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmeysa xilli shalay Ra’iisul Wasaare Rooble uu Shaqada ka Eryay 7 kamid ah Guddiga xalinta khilaafaadka oo uu kujiro guddoomiyaha Guddigaas walow ay sharci darro ku tilmaameen.



