Mudug-RisaalaFM- Koox Burcad badeed ah ayaaa shalay Doon Ganacsi ku soo xiray xeebta degaanka Ceelhuur oo 50-KM koofur uga beegan Hobyo ee Gobolka Mudug, sida ay Risaala u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka ilaalada xeebaha Gobolka Mudug ayaa Risaala u sheegay Burcadan Doonta in ay ka soo Afduubtay xeebta degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.
Warar aan helnay ayaa sheegaya Doontan in ay badeeco kala duwan u waday Ganacsatada Magaalada Kismaayo, waxaana ilaa iyo hada aan la heli karin faah faahin dhameystiran.
Kooxdan ayaa shalay Galab Doonta la aaday degaanka Murgane oo u dhow degmada Hobyo Gobolka Mudug, weli ma cadda tirada shaqaalaha saaran Doontan iyo dalka laga leeyahay.
Burcadbadeeda ayaa dib ugu soo laabtay xeebaha Gobolka Mudug, waxaana ay dhibaato ku hayaan dadka degaanka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Doonyaha soo rarta.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray Wakiil Wareedka Radio Risaala ee Magaaladaasi Maxamed Muxudiin Maxamed (Saxansaxo).


