Diyaarad kusoo dhacday garoonka Aadan-Cadde iyo khasaaro ka dhashay

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Hala Airlines oo ka timid Magaalada Garoowe, isla markaana siday Dad Shacab ah ayaa ku soo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa jira khasaaro dhaawac ah oo kasoo gaaray dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa iyo burbur soo gaaray diyaaradda, sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Gurmad ayaa loo fidiyay qaar kamid ah dadkii saarnaa diyaaradda ee ku dhaawacmay, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada muqdisho si loogu daawaayo.

Goor sii horeysay ayaa Warar soo baayay waxaa ay sheegayeen inay diyaaradda saarnaayeen ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya ee Cabduweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid balse warkaas la beeniyay