Diyaarad ku dhacday Bardaale & Maamulka K/Galbeed oo ka hadlay

Diyaaradaan oo sida la sheegay ka ambabaxday Magaalada Muqdisho ayaa sii martay Magaalada Baydhabo  ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana ay ku Burbertay meel u dhow garoonka diyaaradaha Bardaale.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay inay diyaaradaasi soo dhacdo,waxaana ku geeriyooday ilaa 7 Ruux.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Maamulka Koonfur Galbeed  Xasan Xuseen Maxamed ayaa xaqiijiyey inay diyaaradaasi soo dhacday,taas oo uu sheegay inay waday shixnad gargaar ah.

Diyaarada ku dhacday  Bardaale waxaa la sheegay inay laheyd Shirkadda Diyaaradaha African Airweys,waxaana socda baaritaano ku aadan waxa keenay inay diyaarada dhacdo.

Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed waxaa uu sheegay in ay wadaan xaqiijinta sababta keentay inay diyaarada buburto,isla markaana ay dib kasoo sheegi doonaan.