Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19, 17 ruux ay bogsooseen Saddex qofna uu u geeriyooday.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 26 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 8-na haween yihiin.
27 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, halka 7 kale laga helay Puntland.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 756, waxaa bogsootay 61 Ruux. 35 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.



