Dilal ka dhacay Beledxaawo iyo faahfaahino ka soo baxaya.

Wararka ka imaanaya magaalada Beledxaawo ayaa sheegaya in siyaabo kala duwan ay dilal ugu dhaceen gudaha magaaladaasi.

Xaafada Farjano ee degmada Beledxaawo ayaa xalay lagu dilay afar qof oo shacab ah, iyadoo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo.

Sidoo kala saaka ayaa askari ka tirsan ciidamada Booliska waxaa lagu dilay isla degmada, waxaana lagu magacaabi jiray Faarax Dheere.

Shalay ayaa sidoo kale magaalada lagu dilay qof kale, taasi oo keentay in dilalka ay kordhaan.

Inta la ogyahay 6 qof ayaa 24 saac gudahooda lagu dilay Bartamaha Degmada Beledxaawo.

Ammaanka magaalada ayaa fara ka baxay, cabsi xooggan ayaa soo wajahday shacabka ku nool magaalada Beledxaawo.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka iyo maamulka degmada iyo kan Gobolka Gedo.