
Xilli Sacabka iyo Maamulka degmada Kaaraan ay cabasho ka muujinayeen amni darro xoogan oo kajirta Xaafadaha degmadaas oo intooda ugu badan ay sabab u yihiin Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysanaya iyo Kooxaha Ciyaar weerada oo dad badan dilay ayaa waxaa weli sii socda falalka amni darro.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha Amniga ayaa xalay ku baxay dhibaatada amni darro ee kajirta degmada Kaaraan, bale durbadiida lagu dilay meelo kamid ah degmadaas Nin Nabaddoon ahaa.
Allaha Unaxariistee Nabadoon Cali Cumar Caraale ayaa koox hubeysan ku dhex dileen Goob ganacsi uu ku lahaa Degmada Kaaraan ee Gobolkan banaadir. Iyada oo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa qiray in degmada Kaaraan ay tahay degmada ugu amni darrada xun degmooyinka Gobolka Banaadir loona baahan yahay in laga hortago kuwa falalka amni darro geysta.
Gudoomiyaha Degmada kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir kaaraan) ayaa sheegay in degmada Kaaraan aysan heysan Ciidamo ku filan oo amniga xaqiijiya, taas bedelkeedana Ciidamadii Nabadsugida ahaa ee loo qoray ay ka Shaqeeyaan degmooyin kale.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa XAafado katirsan degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ka dhacayay dilal qorseysan oo ay geysanayaan, Kooxo burcad ah oo dhac geysnayay, Al-Shabaab iyo Kooxo Ciyaal weero ah oo dhibaatada ugu daran ku haaya Shacabka.



