Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Ajabka shidaalka ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka dhacay dil.
Dilkan ayaa la sheegay in ay geysteen kooxo ku hubeysan Bastoolado, waxaana ay u geysteen nin ku hubeysanaa Hub, oo aan wadan dareeska Ciidanka, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.
Kooxihii dilka geystay oo goobta ka baxsaday ayaa waxa ay qaateen Hubkii uu watay ninkii ay dileen, waxaana daqiiqado kadib halkaasi gaaray Ciidanka Dowladda.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa baaritaano ka wada Ciidanka ammaanka, waxaana ay ku raad joogaan raggii ka dambeeyay dilka.


