Dib u dhac ku yimid Shirkii Guddoonada Baarlamaanada ee Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayaan in uu dib u dhac yimid Shirkii Maanta lagu waday in uu ka dhaco Baydhabo.

Maanta ayaa lagu waday in Magaalada Baydhabo uu ku furmo Shirka Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonada Baarlamaanada maamul goboleedyadda.

Ammaanka  Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay , waxaana lagu waddaa in Shirkaasi uu dhaco maalmaha soo socda.

Shirka Guddoonada baarlamaanka ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Guddoonka Aqalka Sare.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa Garwadeen ka ah Shirkaan, waxaana lagu waddaa in lagu sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin Guddoonada Baarlamaanada.