Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qaraxa ka dhacay Muqdisho

ku dhawaad 7 qof ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacantay Qarax Goor dhow ka dhacay Iridda Hore ee Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.

Wariye ka tirsan Risaala oo goobta tagay ayaa sheegay in uu arkay meydadka ugu yaraan 9 qof.

Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo sheegayan in qaraxu uu ahaa mid ismiidaamin ah, halka warar kalena ay sheegayan in qaraxu uu ka dhashay gaari miineysan oo afaafka hore ee hotelkaasi lagu qarxiyay.

Howlaha Gurmadka ayaa wali socda.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net