Qaar ka mid ah maamulada Jaamacadaha dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in ay korortay dhalinyarada kasoo jeeda dalka Kenya ee ku biirtay ururada Daacish iyo sidoo kale Al-Shabaab ka dagaalama Soomaaliya.
Maamulada Jaamacadda dalka Kenya ayaa sheegay in ay waayeen dhalinyaro badan oo wax baran jiray jaamacadaha ay maamulka ka yihiin,ka dibna markii ay baaritaano ku sameeyeen loo sheegay in ay ku biiraan Al-Shabaab.
Hay’adda la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya ayaa dhankeeda xaqiijisay in dhalinyaro ku dhow 50 ay ku biireen Al-Shabaab iyo sidoo kale Kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.
Waxaa sidoo kale la sheegay in dhaliyarada ku biirtay Al-Shabaab iyo sidoo kale Kooxda Daacish ay ku jiraan ku dhawaad 20 gabdhood , kuwaa soo la sheegayo in qaarkood ay jaamacado ka baxeen.
Dowladda Kenya ayaa horay usoo bandhigtay magacyada arday waxkabaran jirtay Jaamacadaha dalka Kenya kuwaa soo ku biiray Al-Shabaab iyo sidoo kale Daacish.
Ururka goboleedka IGAD ayaa sidoo kale sheegtay in dhalinyarada Kenyaan badankood ay qarka u saaran yihiin in ay ku biiraan Al-Shabaab hadii aysan helin shaqooyin ku filan.


