DHAGEYSO: Yariisow oo ku mashquulsan xaflado xilli amniga Muqdisho uu xumaaday

Madaxda Sare ee Gobolka Banaadir ayaa ku mashquulsan ka qayb galka Xaflado kala duwan oo u muuqda kuwa loogu sacabo tumayo madaxda dowladda, iyadoo uusan jirin dejinta qorshe amni oo ku aadan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Todobaadyadii lasoo dhaafay Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan la beegsaday xarumaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xarunta Degmada Hawlwadaag oo ay qarxiyeen 4tii-Bishan September, iyadoo todobaad kadibna ay qarxiyeen xarunta Degmada Hodan.

Hadaba dhageyso Warbixin ku saabsan Xaaladda Muqdisho iyo Mas’uuliyiinta gobolka oo Xaflado ku mashquulay.