Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa sheegtay in Xaalad adag ay ka jirto degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Drs Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegtay in wadooyinka soo gala degmada Waajid dhamaantood ay weli yihiin kuwa go’doonsan.
Waxa ay sheegtay in ay waxyaabo badan oo murugo leh ay ku soo aragtay degmada Waajid ee Gobolka Bakool islamarkaana Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jiraan.
Sidoo kale Wasiirada ayaa sheegtay in dadka degmada Waajid ay isticmaalaan oo keliya raashiin iyo agabyo kale oo lagu keenay diyaarado balse aysan shaqeyneyn wadooyinka soo gala degmadaasi.
Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa mudooyinkaanba waday koormeer ay ku tageyso degmooyinka Abaartu ay ka jirto ee Gobolada Dalka.



