DHAGEYSO: Xukuumada oo ka hadashay shirka IGAD ee ka furmaya Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Xukuumada Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay shir Madaxeedka urur goboleedka IGAD ee Bisha soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada dowladda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo la hadlay Warbaainta ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay xilligan diyaar u tahay martigelinta shir Madaxeedka IGAD oo la filayo in Bisha soo socta gudaheeda Muqdisho uu ka furmo.

Wasiirka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta Madaxda urur goboleedka IGAD oo la filayo Magaaalada Muqdisho in ay soo gaaraan 5-ta Bisha September.

Shirkii Madaxda urur goboleedka IGAD ee dhowaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay ka mid ahaa in shirka soo socda ee urur goboleedka IGAD lagu qabto magaalada Muqdisho.