Muqdisho-RisaalaFM- Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta markale waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho, waxaana lagu doortay 3 kursi.
Doorashada ayaa waxa ay aheyd mid aad u xiiso badan, waxaana ku soo baxay 3 xubnood oo Labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, waxaana ay kala yihiin:-
- Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo helay codad gaaraya 39 cod.
- Nuuro Faarax Jaamac oo heshay codad gaaraya 38 cod.
- Deeqo Xasan Xuseen oo heshay 24 cod.
Xildhibaan Nuuro Faarax Jaamac iyo Deeqo Xasan Xuseen ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, waxaana ay balan qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan danaha Gobolada Waqooyi.
Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliland ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo maalmaha soo socda waxaana harsan oo keliya 2 kursi.


