Bari-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya Degaanada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe Degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari uu ka dhacay Dagaal xoog leh oo geystay khasaare kala duwan.
Dagaalkaasi ayaa la sheegay in uu dhexmaray Ciidanka Maamulka Puntland iyo ururka Al-shabaab oo weerarkaasi ku soo qaaday saldhig Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin halkaasi.
Dadka Degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Dagaalka oo la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac.
Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku geeryootey 7 Qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan halkaasi.
Guddoomiyaha Degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari Maxamed Geedi Saalax oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay 4 Shabaab ah in Dagaalka lagu dilay, halka Ciidanka Puntland 3 laga dilay, mid kalena la dhaawacay.
Degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari oo ay degan yihiin Ciidanka Puntland ayaa waxa ay xaga Galbeedka ka xigtaa Magaalada Boosaaso, waxaana ay u jirtaa 70-KM.


