Kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayay ku baaqeen in la dejiyo Khilaafka u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Sare ee Galmudug.
Waxa ay sheegeen in Galmudug ay leedahay dastuur,islamarkaana ay doonayaan in ay isaga ku kala baxaan cidii uu Khilaaf soo gala dhexgalo.
Xildhibaanada Galmudug waxa ay sheegeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii lasoo Afjari lahaa Khilaafka taagan.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka horyimid Go’aankii Madaxweynaha Galmudug uu ku taageeray dowladda Sucuudiga.


