Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay magacaabeen labo Guddi.
Labada Guddi ayaa waxaa ay kala yihiin Guddiga Abaaraha iyo sidoo kale Guddiga dib u heshiista .
Xildhibaan Saalax Axmed Ceynte oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo marklii uu soo dhamaaday shirka la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in xildhibaanada Galmudug ay dardar geliyaan howlaha maamulka Galmudug.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo xildhibaanada Galmudug ay ku doonayaan in ay ku caawiyaan dadka ku dhibaateysan degaanadaasi.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.


