Barakac ka socda degmada Afgooye

Barakac ayaa ka socda Suuqyada iyo sidoo kale qaar ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose , oo shalay gelinkii dambe ay Shabaab weerar kusoo qaadeen.

Ganacsigii iyo sidoo kale isku socodka degmada ayaa hakad ku jira sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee degmada Afgooye.

Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu arkaya Waqooyinka iyo sidoo kale Xaafadaha degmada Afgooye.

Dadka shacabka ayaa ka baqdin qaba weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab ay kusoo qaadayaan degmada Afgooye.

Sidoo kale Shacabka ayaa kasoo guuraya Xaafadaha inta badan ay ka dhacaan weerarada.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay laba jibaaray weerarada ay ku qaadayaan degmada Afgooye.