DHAGEYSO: Xildhibaanada Aqalka Sare oo aan xuquuq laheyn 3 bilood ee soo socota

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim ayaa sheegay in xildhibaanada golaha Aqalka Sare aysan wax xuquuq ah aysan ku laheyn miisaaniyadda dowladda  saddexda bilood ee soo socota.

Wasiirka ayaa sheegay in Miinsaaniyadii sanadkii 2016 dii lagu shaqeyn doono saddexda bilood ee socota ee sanadka 2017.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Aqalka Sare aysan ku jirin Miisaaniyadda dalka , madaam hadda lasoo kordhiyay.

Waxaa uu sidoo kale xusay Wasiir Fargeeti in xukuumadda ay ku shaqeyn doonto Miinsaaniyadii uu horay u ansixiyay baarlamaankii Waqtigiiso dhamaaday saddexda bilood ee soo socota.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa  sanadkaan ku cusub Soomaaliya , waxaana baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa in ay meel mariyaan Miisaaniyadii ay ku shaqeyn doonaan.