DHAGEYSO: Nabadoon Xaad oo baaq u diray Dowladda

Muqdisho-RisaalaFM- Nabadoon Xaad oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda Deegaanada Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay colaada Gaalkacyo ka taagan muhiim in ay tahay in la joojiyo, oo labada dhinac ay tanaasul sameeyaan, si shacabka halkaasi ku nool ay u helaan nolol wanaagsan.

Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale wuxuu Dowladda Federaalka ugu baaqay in Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Nabad Sugid, Boolis iyo Militari ay geyso Magaalada Gaalkacyo, si ay u kala dhexgalaan Maamulada halkaasi ku dagaalamaya.

Shalay ayay aheyd markii markale Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.