DHAGEYSO: Xildhibaan Samiiro “Dowladda wey ku fashilantay qancinta reer Hiiraan”

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa madaxda Dowlada ku eedeeyay in ay ku gul dareysatay isku keenida shacabka gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxay sidoo kale sheegeen in dowlada ay ku fashilmatay iney hagaajiso isla markaana qanciso beelaha dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in dowlada ay ku guul dareysatay iney isku keento shacabka labada gobol.

Waxay sidoo kale tilmaantay in dowlada ay ku fashilmatay iney mideyso shacabka gobolka Hiiraan.