DHAGEYSO Xildhibaan Jeesow “Dowlada Hiiraan iyo Sh/Dhexe haka dhexbado”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in beelaha iyo odayaasha gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe loo madax banaaneeyo dhismaha maamulkaasi.

Wuxuu kula taliyay dowlada Soomaaliya iney dadka deegaanka u madax banaaneyso dhismaha maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe si dadka wax ay doonayaan loo helo.

Sidoo kale xildhibaan Jeesow, ayaa sheegay ineysan jirin wax qasab ah oo lagu dhisi karo maamul goboleed hoos imaanaya  dowlada federaalka Soomaaliya, balse ay muhiim tahay in la tixgeliyaa rabitaanka dadweynaha.

Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa qaarkood ku qanacsaneyn dhismaha maamulkaasi oo gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.