DHAGEYSO: Xildhibaan Direed oo ka hadlay wada hadalka Galmudug iyo Ahlu-sunah

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan C/casiis Sheekh Yuusuf Direed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanu jirin wax wada hadal ah oo udhaxeeya maamulka Galmudug iyo Maamulka Ahlu-sunah, isagoo tilmaamay in wada hadalkii udhaxeeyay labadan dhinac uu meesha ka baxay.

Xildhibaan C/casiis ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda maamulka Galmudug maalmihii dambe ay warbaahinta usheegayeen in wada hadal uu u socdo iyaga iyo maamulka Ahlu-sunah, laakiin xildhibaanka ayaa arintaasi ku sheegay in aysan waxba ka jirin.

Maamulka Ahlu-sunaha oo ka taliya gobolada dhexe ee dalka ayaa gabi ahaan waxa ay ka soo horjeedaan jiritaanka maamulka Galmudug oo ka mid ah maamulada dalka ka jira.