Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay ka bilaaban doonto 9 Bisha soo socota dhageysiga Wareegga Koowaad ee Dacwadda badda ee ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Waxaa uu sheegay xeerilaaliyaha Qaranka in dowladda Soomaaliya ay rajo badan ka qabto in ay ku guuleysato dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Waxaa uu xusay in Mid labo maalmood la dhageysan doono Soomaaliya iyo Kenya ka dibna Maxkamadda ay ku dhawaaqi doonto xukunka ah Cidda iska leh badda lagu muransan yahay.
Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.
Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.
Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.


