Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka ka dhoofay, iyadoo si heer sare ah loogu sagootiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo raacay Diyaarada Turkish Airlines duulimaadkeedii maanta oo jimco ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, diblomaasiyiin iyo saraakiil Ciidan ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha.
Madaxweynihii hore ayaa waxaa horay u sii raacay xaaskiisa, qaar ka mid ah kaaliyeyaashiisa iyo Ilaalo kooban, waxa uu dalka Turkiga joogi doonaa muddo bilooyin ah, isagoo dalka dib ugu soo laaban doona.
Hadal kooban uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ku siiyay Warbaahinta ayuu sheegay in safar ugu baxayo Turkiga, muddo kooban kaddib uu dalka dib ugu soo laaban doono.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dalka joogi doono, isagoo ugu baaqay shacabka inay Dowladda la shaqeeyaan, waxaa uu sheegay in khilaaf iyo is qab qabsi aan loo baahneyn, lana garab istaago Dowladda Federaalka.




