DHAGEYSO: Agaasime Koofi oo ka hadlay cabashada Baasaboorka

Muqdisho-RisaalaFM- Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in lagu guuleystay yareynta cabashadii ka imaan jirtay shacabka ee ku aadaneyd qaadashada Baasaboorka.

Waxa uu sheegay dadaal dheeri ah oo ay bixiyeen in ay keentay in la yareeyo cabashada, wuxuun sidoo kale tilmaamay in hada muwaadin kasta uu si dhaqsi leh ku heli karo Baasaboorka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la kordhiyay xarumaha laga heli karo Baasaboorada, kadib markii ay badatay cabashada ka imaaneysa shacabka.

Shacabka ayaa dhibaato ku qabay qaadashada Baasaboorka, maadaama Qofkii Baasaboor raba uu dhowr jeer u soo laa laaban jiray xarumaha lagu bixiyo.