DHAGEYSO: Xarunta Qaran ee iskudubaridka Gargaarka oo la daahfuray

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu daahfuray xarunta Qaran ee iskudubaridka Gargaarka, waxaana ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano, Safiiro iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Xaruntaan ayaa loogu tala galay in ay xiriiriso howlgalaha Gurmadka Abaaraha ee ka socda Soomaaliya.

Munaasabadda lagu daahfuray xaruntaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan waxaana dhammaantood ay sheegeen in ay xaruntaan ay aheyd mid loo baahnaa ,islamarkaana Waqtigaan ay muhiim u tahay Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa sheegtay in juhdi badan lagu bixiyay hirgelinta Xaruntaan, islaamarkaana baahida lagu Aasasay ay timid ka dib is barbaryaac badan oo ka jira howlaha Gurmadka ee ka socda dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Abaaraha ka jira Soomaaliya ay soo laablaabteen ,islamarkaan Wasaaradda Gargaarka iyo musiibooyinka laga doonaayo in ay la timaado qorsho looga hortagaayo Abaaraha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an  tahay in Wasaaradda ay arintaasi ay kala shaqeyso.

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambeysa , waxaana qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay wadaan gurmadyo kala duwan oo lagu caawinaayo dadka dhibaateysan.