DHAGEYSO: Faahfaahin Qarax lala beegsaday Guddiga Gurmadka Abaaraha

Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa wax waxyeelo ah u geysan Guddiga ,laakiin waxaa burbur xooggan uu soo gaaray Gaarigii ay saarnaayeen.

Guddiga oo ka baxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Degaanka Garasbaaley oo ku yaala wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay agagaarka Garasbaaley.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga gurmadka Abaaraha ayaa Risaala u sheegay in Qaraxaasi aysan waxyeelo kasoo gaarin Marka laga soo tago Burburka gaariga soo gaaray.